Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Gabar Isku Dishay Magaalada Muqdisho+ sabab

Gabar Isku Dishay Magaalada Muqdisho+ sabab

faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Gabar la shegay in goordhaweyd ay isku dishay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuq-bacaad.

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gabadhu ay iska duubeysay Video, iyadoo xiligaasi gacanta ku haysatay Bistoolad cabbaysan, waxaana la sheegay in ay ku fakatay Xabbad taasi oo ka heleeshay Madaxa.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Xaafaddda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in guriga falku ka dhacay ay gaareen Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo sida la sheegay C I D-da u qaaday Maydkii marxuumadda, waxaana ay wadeen sidoo kale  Ninkii Bistooladda iska lahaa, kaasi oo la sheegay in uu guriga joogay xiliga Gabadhu xabbaddu ku fakanaysay.

waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in gabadhu ay duubeysay Tiktok Video, balse ay xabbaddu ku fakatay.

ilaa iyo hadda faah faahiino intaas ka dheeri ah lagama hayo dhacdadaasi ka dhacday Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshid.

la soco faah faahin intaa ka dheeri ah.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed