Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka GALMUDUG OO SHEEGTAY IN GUULO LAGA GAARAY HOWGALLADA KA SOCDA GOBOLKA MUDUG

GALMUDUG OO SHEEGTAY IN GUULO LAGA GAARAY HOWGALLADA KA SOCDA GOBOLKA MUDUG

Madaxtooyada Galmudug ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalada ka socda deegaanada Mudug, iy dagaalka dhex-maray Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guul laga soo hoyay, isla markaana  Ciidamada Ammaanka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa guluf dagaal ku qaadeen Al-Shabaab, iyagoo ka saaray deegaano iyo tuulooyin dhowr ah.

“Howlgallada ayaa ahaa kuwo guul lagu gaaray si aan  uga xoreynay Al-Shabaab Saldhigyo muhiim ah, 20-kii Bishaan Luulyo duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday koonfurta gobolka mudug halkaas oo ay iskaga kaashadeen ciidamada XDS, ciidamada Kumaandooska ee Danab iyadoo ciidamada Galmudug ay hadda dagaal kula jiraan Al-shabaab, waxaana  Ujeedada duqeynta ay aheyd in la ilaaliyo ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah oo ku wajahan cadawga weeraradana si guul leh ayaa loo qabtay maadaama aysan waxyeelo soo gaartay dad rayid ah.

Sidoo kale Galmudug ayaa sheegtay in Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed macalin Fiqi kaas oo hadda ku sugan jiida hore ay ka go’an tahay sii wadida howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo hubiyo Amniga muwaadiniinta  loogana hortago weerarada Al-Shabaab.

In ka badan laba todobaad ayaa howlgallo iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab waxaa ay ka socdeen Koonfurta Gobolka Mudug, waxana la sheegay in lala wareegay degaano dhowr ah.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...