Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

Guddiga doorashada ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada maamulkaasi ee Aqalka Sare, taas oo ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay maanta billaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta ee liiskooda la shaaciyey, kuwaas oo gaaraya illaa lix xubnood, halka labada kursi ee haray dib lag dooran doono.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare la qabanayo beri oo Khamiis ah, isla-markaana ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka.

Galmudug ayaa ka mid noqoneysa maamullada dardargelinaya doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare oo horey uga billowday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...