Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddiga baarista Carruurtii lagu dilay Baydhabo oo War Ka soo saaray

Guddiga baarista Carruurtii lagu dilay Baydhabo oo War Ka soo saaray

Gudigii Baariista dhacdadii Caruurtii walaalaha ahaa ee lagu diley magalada  baydhabo ee uu Magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen ayaa Geba-gebadii Galka Baarista ku wareejiyey Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Koonfur Galbeed.

Malaaq Xasan Cali Qataar oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii Carruurta Walaalaha ahaa loogu geysrtay Magalada Baydhabo 7-dii Bishii Apriil baritankiisa ay soo geba-gabeeyeen, isla markaana Maanta ay wareejiyeen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka loo heysto Kiiska dhawaan Maxkamad la horkeeni doono si Cadaaladda loo marsiiyo si markale dhibaatooyin kala aysan uga dhicin degaannada Koonfur Galbeed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Awmaye Sheekh maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono si look ala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dameeyay falkaas.

Dilkii labada Carruurta Walaalaha ahaa oo uu dhalay Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Federalka ayaa waxaa uu walwal badan ku abuuray Waalidiinta ku nool Magaalada Baydhabo.

 

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed