Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Gudiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha uqabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay uqaban lahayeen Doorashada Xubanaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Ciro) iyo Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Warbixin uga siiyey Udiyaar garowga Doorashada Aqalka Hoose Dhinacyada Farsamada, Foomamka,Habraacyadii lagu shaqaynayey iyo Maaliyada waxaana dhanka kale Gudiga ay ka warbixiyeen sida ay doonayaan inay uqabtaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga Hir-gelinta ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey Dadaalkii uu ku bixiyey soo afjarada khilaafkii ka dhexeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu yimaadeen iyo Warbixinta ay la wadaageen.

“waxaan idinkaga Mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waan idinkugu bogaadinayaa dadaalkiina ku aadan hir-gelinta doorashooyinka dalka,waxaa naga goan kan dowlad goboleedka koonfur galbeed ahaan inaan doorashada ku qabano sida ugu dhow.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalmo joogi doona Magaalada Baydhabo si ay kulan ula qaataan Qeybaha kala duwan bulshada Magaalada Baydhabo.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...