Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Digniin Soo Saaray

Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Digniin Soo Saaray

Guddiga Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray Digniin cusub oo ku socota Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada ku tartamaya doorashooyinkii maalin kahor ka dhacay halkaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in natiijada doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland aysan shaacin karin cid aan ka tirsaneyn Guddiga Komishinka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in natiijada looga dhawaaqi doono degmooyinka iyo Gobolada, isla markaana ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Komishinka, iyagoona xusay in arrintaas ay xaq u leeyihiin Guddiga oo kaliya.

“Sida Xeerka doorashadu dhigaayo Natiijooyinka waxaa loogu dhawaaqayaa heer degmo iyo Gobolada, kuwaasoo intoodaba ku-dhawaaqistooda uu gaar u leeyahay Komishanku, cid kastoo aan Komishanka ahaynina aaannay xaq u lahayn arrimahaas.” ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.

Sidoo kale Guddiga Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay sheegto Natiijo, isla markaana xusay in Digniinta ay sigaar ah ugu socoto Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada.

“Cidii isku dayda aarimahaasi waxay galaysaa xad-gudub sharci waxaana laga qaadi doonaa Tallaabo sharciga waafaqsan, si gaar ah waxaa Digniintan loogu socodsiinayaa Mas’uuliyiinta Dawladda & Axsaabta” ayaa la sii raaciyay Qoraalka.

Si kastaba Deegaanada iyo Gobolada Somaliland ayaa waxaa ka socota tirinta codadkii ay dhiibteen shacabka Somaliland oo ay ku dooranayeen 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.

RELATED ARTICLES

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

Qaar kamid ah wadayaasha Bajaajta ee ka Shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Maanta ku dibadbaxeen Aaga Isgoyska Shabeelle oo ku dhow Daljirka...

Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magalada Berbera & doorasho ka dhaceysa

Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka dhaceyso Maanta doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo...

Facebook Feed

Twitter Feed