Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddiga Maamulaya Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga Oo Guddoon Doortay

Guddiga Maamulaya Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga Oo Guddoon Doortay

Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ayaa doortay Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii Maanta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaanada Banaadiriga ayaa waxaa loo doortay inay noqoto Marwo sacdiyo Aweys Cali Boolay oo heshay 11 Cod, mana jirin Musharax kale oo doorashada kula tartamay.

Sidoo kale xubnaha Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga u doortay Maxamed Xaaji Maye oo isna helay 11 Cod, mana jirin Musharax tartan la galay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay doorashooyinka Guddiyada maamulaya doorashooyinka dalka ka dhacaya, kuwaasi oo soo kala magacaabeen Dowladda iyo maamul Goboleedyada.

Guddiyada maamulaya doorashada heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka, iyo kuwa maamulada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa doortay Guddoomiyeyaasha Guddiyada iyo ku-xigeenadooda.

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed