Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddiga xalinta Khilaafaadka oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay caqabadaha heysta doorashada

Guddiga xalinta Khilaafaadka oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay caqabadaha heysta doorashada

Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster ayaa Xafiiska Safaarada Dalka Ingiriiska ee Muqdisho  kulan kula qaadatay Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Xallinta Khilaafaadka  Maxamed Ibraahin Barre iyo Axmed Yuusuf oo ah xubin ka mid ah Guddiga.

Kulanka ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada.

Qodobada aadka loogu dheeraaday ayaa ahaa sida habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada. Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada.

Sidoo kale, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha ayaa loo garawsaday inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada. Shaacinta Liiska musharixiinta iyo in dacwadaha doorashada ee lagu soo xareeyo mudooyinka loo asteeyay ayaa la isla gartay inay keeni karto hanaan garnaqsi oo hufan.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta leh ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland iyo siday u shaaciyeen odayaasha xulaya ergada iyo tababarkooda. Ugu dambayn, Marwo Kate Foster ayaa ku nuuxnuusatay muhiimada GXKHDD iyo in la hufo wareega doorashada ee odayada, ergada, musharixiinta iyo maalinta Doorashada.

Gudoomiye Ku-xigeenka ayaa gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Nabdoon.

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...