Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqodisho kulan laqaatay Degmooyinka shangaani iyo...

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqodisho kulan laqaatay Degmooyinka shangaani iyo Cabdacasiis

Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) kulan la tashi ah galabta la qaatay  Bulshada Degmooyinka Shangaani iyo Cabdacasiis.

Kulankaan oo ahaa wada tashi iyo is dhagaysi uu Guddomiyaha Gobolka ka dhageestay isagoo ka jawaabayay su’aalo toos ah oo ay ka qaybgalayaasha kulanka weydiinayeen.

Dad-weynihii ka soo qayb galay kulankaan ayaa wax ka weydiinayay Duqa Magaalada Arrimaha adeegyada Bulshada, dib u dhiska iyo shaqa abuurka Dhallinyarada, iyadoo Duqa Magaalada ow la wadaagay qorshayaaha Gobolka ee ku aadan wax ka qabashada soo jeedimaha shacabka degmooyinka shangaani iyo Cabdacasiis.

Kulamada nuucaan oo kale  ah ayuu Maamulka Gobolka Bananadir ugu tala galay in fursad loo siiyo shacabka inay si toos ah ula hadlaan Madaxda heer Gobol iyo heer Degmo.

      

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...