Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Guddoomiyaha Aqalka Sare & Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo kulamo ka wada Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare & Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo kulamo ka wada Muqdisho



Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xidhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa kulamo looga hadlayobArrimaha doorashooyinka waxaa ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay Maanta kulan la qaateen musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyaga oo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka uu marayo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ka mira dhalinta Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Xubno la socda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen kulamo ku saabsan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyada oo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu shaaciyay in kulankaas uu isfaham lagu gaaray.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...