Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi oo ka Qeybgalay Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirrada, kuna Boorriyay Mas’uuliyad iyo Hufnaan
Wararka
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi oo ka Qeybgalay Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirrada, kuna Boorriyay Mas’uuliyad iyo Hufnaan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhaarinta xubnaha cusub ee kamid noqday Golaha Wasiirrada Dowlada Koonfur Galbeed.   Munaasabadda dhaarinta oo si rasmi ah loo qabtay aqalka Madaxtooyada ayaa lagu dhaariyay wasiirro cusub oo dhowaan loo magacaabay inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada. Xubnahan cusub ayaa ku dhaartay...
  • Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi oo ka Qeybgalay Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirrada, kuna Boorriyay Mas’uuliyad iyo Hufnaan

Farxaan Yuusuf9 hours ago9 hours ago02 mins

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhaarinta xubnaha cusub ee kamid noqday Golaha Wasiirrada Dowlada Koonfur Galbeed.

 

Munaasabadda dhaarinta oo si rasmi ah loo qabtay aqalka Madaxtooyada ayaa lagu dhaariyay wasiirro cusub oo dhowaan loo magacaabay inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada. Xubnahan cusub ayaa ku dhaartay inay si hufnaan, daacadnimo iyo mas’uuliyad leh u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay dhowri doonaan Dastuurka iyo xeerarka u degsan Dowlada Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadiyay magacaabista iyo dhaarinta xubnaha cusub, isaga oo ku adkeeyay inay mudnaan siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, xoojinta isla xisaabtanka, iyo horumarinta dowladnimada. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowlada Koonfur Galbeed.

 

Munaasabada Dhaarinta ayaa waxa ka qeybgalay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.

  • Ilaha Dhaqaale ee Ururka Al-Shabaab: Sida ay u Maalgeliyaan Howlgalladooda
  • Heliwaa Oo Kacsan Maalinkii Labaad: Shacabka Oo Diidmo Xooggan Ka Muujiyay Dhul-Boobka La Xiriira Xasan Sheekh Maxamuud
  • Iskaashi Militari oo Cusub: Turkiga oo Garab Istaagaya Soomaaliya
  • Villa Somalia oo Martigelinaysa Shir Muhiim ah oo u Dhexeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Tagged: Guddoomiyaha

Post navigation

Previous: Cabdiraxmaan Cirro oo Safar Taariikhi ah ku Wajahan Israel, Isbeddel Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Geeska Afrika

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Cabdiraxmaan Cirro oo Safar Taariikhi ah ku Wajahan Israel, Isbeddel Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Geeska Afrika

Farxaan Yuusuf10 hours ago 0

Dilkii El Mencho oo ahaa ganacsade daroogo oo reer Mexico ah: Sida uu u dhacay

Farxaan Yuusuf16 hours ago 0

Waqooyi Bari oo Fariin Culus u Diray Puntland, Xiisad Siyaasadeed oo Cirka Isku Shareertay

Farxaan Yuusuf1 day ago 0
Verified by MonsterInsights