Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Guddoonka Golaha Shacabka oo war kasoo saaray wararka la xiriira xil ka-qaadista...

Guddoonka Golaha Shacabka oo war kasoo saaray wararka la xiriira xil ka-qaadista Rooble

Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyey warar soo baxay goor hore oo sheegayey in xilka laga qaadayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaa shacabka Soomaliyeed la wadaagayaa inay been abuur ay tahay wararka lagu daabacay baraha bulshada oo ah in maalinta Sabtida xil ka qaadis lagu sameynayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qorala uu soo saaray xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Buux.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan umadda Soomaliyeed uga digayna in ay ka fogaadan wararkaas been abuurka ah, u jeedada kulanka uu yahay in maalinta Sabtiga 1-da May uu madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha golaha shacabka.”

Qorshaha la xiriira xil ka qaadista ayaa la rumeysan yahay inay wadeen xildhibaano diidan in laga laabto muddo kororsiga oo xulufo la ah madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal, waxaana qorshahaas ka digay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed