Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land la yeeshay…

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land la yeeshay…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia Kate Foster, madaxa xafiiska Hargeysa ee dawladda UK Stuart Brown iyo madaxa siyaasadda ee xafiiskaasi Khadar Muxumed.
kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xeerarka muhiimka ah ee ay labada dhinacba danaynayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xafiiska Hargeysa ee dawladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada Somaliland.
Danjireyaasha Dawladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta cilaaqaadka baarlamaanka Somaliland la yeelanayo baarlamaannada iyo dalalka Caalamka.
Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), lataliyaha xidhiidhka caalamka ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Ibraahim iyo agaasimaha qorshaynta ee Golaha Wakiillada Cabdinaasir Cismaan.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn.
RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed