Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Gudoomiyaha maxkmada sare somaliland oo maanta xildhibaan cusub dhaariyey.

Gudoomiyaha maxkmada sare somaliland oo maanta xildhibaan cusub dhaariyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/07/2021, dhaariyay Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...