Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo Xaliy lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo Xaliy lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaliy lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle).

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaaday Gudoomiyaha, xilli uu sii gelayay hoygiisa oo ku yaala deegaanka Sarkuuste ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa xaqiijiyay dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Gudoomiyaha.

Maxamed Cabdi Axmed, Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa xilka loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020.

Waa Gudoomiyihii 2aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii Degmada Howlwadaag lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.

Dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa ku soo aadaya, xilli caawa dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...