Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Hargeysa: Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab kacay

Hargeysa: Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab kacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana ku geeriyooday caruur walaalo ahaa.

Taliska ciidamada dab damiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in labo caruur ah ay ku geeriyoodeen dabkaas oo ka kacay gurigooda, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray inay si dhaqsi gudaha ugu geli waayeen xaafadda uu dabku ka kacay, sababo la xiriira ciriiri ka jiro waddooyinka xaafaddaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in caruurta ku geeriyotay dabkaasi uu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in xilliga uu dabku  bilaabanayay uu howlo shaqo uga maqnaa guriga ay dagan yihiin caruurta iyo qoyskiisaba.

Waxaa sidoo kale goobta gurmad ahaan u tegay mas’uuliyiin uu horkacayey duqa cusub ee magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u tacsiyeeyey dhibanayaasha.

Haregysa ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana xaafado ka tirsan magaaladaasi siyaabo kala duwan uga kaco dab geysta khasaare kala duwan.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed