Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Haweeney lagu dilay Degmada Balcad iyo ninkii dilay oo la qabtay

Haweeney lagu dilay Degmada Balcad iyo ninkii dilay oo la qabtay

Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda ayaa haweeney ganacsato ahayd waxa uu Jimcihii ku dilay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka qaadka ku iibiya degmadaasi ayaa la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay askarigaasi, ka hor intii aanu dilin.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Sahro Muxumed Cali Kulmiye (Sahro Dhagey) ayaa u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray rasaas uu huwiyay askarigaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga uu ka baxsaday goobtii uu falka ka gaystay, waana wax yar uun ka dib, markii uu haweeneydaasi ku dilay Suuqa Balcad.

Ciidamada ammaanka oo hawlgalo lagu baadigoobayo ninka askariga ahi ka sameeyay Degmada Balcad ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Askariga ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska ee Degmada Balcad, waxayna qoyska marxuumadda dalbanayaan in sharciga la horkeeno.

Sahra Dhagey ayaa aad looga garanayay Degmada Balcad, oo 30km dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed