Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Hawlaha u yaalla murashaxiinteena

Hawlaha u yaalla murashaxiinteena

Dibudhca doorashooyinkeenu waxay bar madaw ku noqdeen hanaqaadka dimuqraadiyadda Soomaliland, kalsoonida u dhaxaysa shacabka iyo dawladda, qaddarinta sharciga, iyo hufnaanta dawladnimadeena. Hase yeeshee, dibudhac walba waa suurtagal in loo rogo horumar; haddii weeye, dersi laga qaato, waxna la iska weydiiyo sababta keentay. Inkasta oo su’aal laga keeni karo sidaynu marwalba duruus uga qaadano guuldarooyinka inna soo mara haddana,  yididiilo mid ah oo aan ku arkay doorashooyinka soo  foodleh ayaa  ah; in dadku  waayahan su’aalo iska weydinayo murashaxiinta ay dooranayaan  tayodooda, xilkasnimadooda,  iyo aqoontooda.  Taas oo noqonaysa tallaabo  xagga horumarka loo qaaday.

 

Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku  berri bay dhacaysaa iyaga oo  Wakiiladu 10 sannadood  yahiin muddodhaaf tan iyo markii la  doortay.  Doorashada Golaha degaanka ayaa iyana ahayd inay qabsoonto muddo saddex  sanadood ka badan  laga joogo. Intaa waxa sii dheer  Madaxweynayaashii Muse Biixi ka horeeyey  oo kuligood  loo kordhiyey muddadii loo doortay xilka, markii doorashadii dibudhac ku yimi.

 

In doorashooyinka wakthtigooda ku  dhiciwaayaan waxay ka turjumaysaa in aynaan sharcigi sidiisa u raacin oo aynu marwalba ku wadno arrimaheena, la jiifiyaana bannaan. Dimuqraadiyad hanqaadaa kama marmayso in sharciga sarayntisa la wada maamuuso, xeerka umaddu dhigatyna sidiisa loo raaco. Taasna muhim waxaa u ah in dalku yeelsho maxkamado madaxbanaan oo ku ilaaliya  bulshada, sharciga, mid sare iyo mid hooseba.  Keli ah,  marka dadweynahu ku qancaan dhexdhexaadnimada garsoorka ayey dimuqraadiyadeenu xididdo xoogan yeelan kartaa. Doorashooyin aan lahayn xeerbeegti adagi, waxay la mid noqonayaan kubad sidhiwalaha dhinac keensaday.  Inta taasi jirtona,  shakiga ah, in kolba xukuumadaa magacawday uu garsoorku u habrado  weligii biximaayo. Hadda, wakhtigiibaa baa la joogaa la dhisilahaa garsoorkeena xagga madaxbanaanidooda, dhaqaalahooda,   iyo tayadoodaba.

.

 

Doorashooyinkeena  hadda soo gelayaa waa u muhim Somaliland, haddii ay u dhacaan si nabad ah oo  xalaal iyo xor ah. Shaki la’aan  sumcadda dalka sare ayey in badan u qaadayaan. Waxay kale oo tusaale u noqonayaan hanaqaadka dimuqraadiyadda Somaliland. Golaheena wakiilada, waxa 82 kursi ugu tartamaya 246 murashax,  degaankana, 552  qof ayaa u tartamaya 220 kursi. Hal malyuun oo qof in ka badan  ayaa isdiiwaangeliyey si ay u codeeyaan doorashooyinkan isku sidkan, oo markii ugu horaysay  ka qabsoomaya  Somaliland.

 

Golaha Wakiilada waxaa sannadkan u tartamya 13 haween ah kadib markii  labada Gole ee xeerdejintu  ka horyimaadeen in kooto loo xidho  dumarka  u tartamaya doorashooyinka. Tiradadaasi way ka yartay intii xisbiyadu ay haweenka u balanqaadeen oo ahayd;  in saddexda xisbi mid waliba, 6 dumar ah soo sharaxo, (UCID uun baa gaadhay halkaa) haseyeeshee, waa dhaantaa  hadii ay guulaystaan (inkasta oo ay adagtahay) sidii hore oo qof dumar oo keli ahi ku cidlaysnayd Golaha Wakiilada. Waa inoo ayaandarro in haweenka oo  dadka inta doorashada ka codaysa ugu badan, dhaqaalo u ururinta iyo abaabulkana door weyn ka qaata,  haddana lagaga masuugo ka qaybgalka talada dalka  oo  ay baahiyaha kala jaadka ah ee bulshadeena ka jira,  in badan ragga uga xogogaal sanyahiin.  Doorashadii  Golaha Deegaanka ee 2017, haweenka waxaa iska soo sharaxay 172,  toban ka mid ahna waa la doortay. Doorashadan hoos buu aad ugu dhaceen tirada murashaxiintoodu oo waa 15, Golaha waxiiladana waxaa u taagan 13 dumar ah.

 

 

 

Waa maragmaddoon, in haddii doorshooyinkeenu ku dhici lahaayeen wakhtigoodii,  hurmarkeenu intan dhaami lahaa. Sababaha looga ilaaliyo muddodhaafka  xilalka waxaa ka mid ah; iyada dadka qaar xilka  macaansadaan,   si ay dano shakhsi uga faa’iidaystaan, taas oo sababta in fikir cusub oo hurumar  keena dhalanwaayo, iyo iyada oo ay abuurmaan  kooxo ka  soo horjeeda himilooyinka  shacabka.

 

Horumarka iyo dibudhaca ummad ku yimaadaa waa arrin ku xidhan kolba halka dedaalkeedu gaadhsiisan yahay. Inaynu ururinta cashuuraheena sare u qaadno, loona ilaaliyo dadka, waa mid innaga inoo taal. In  muwaadiniintu  sharciga  u sinnaato oo qof waliba meelsha ugu habboon ee uu tartan ku helona loo hibeeyo waa mid aynu  iyana awoodno. Talaabooyinkan dhawrka ahi hadday israacaan dhaxalkoodu waa:  miisaaniyad kobocda, shaqaalahaha oo mushaharkoodu kordho, aqoonta oo badata, iyo adeegyada kale leh  ee caafimaad iyo biyoba leh oo siyaada.

 

Dhinaca kale, dalka aan cashuur ururin inta soo gashana loo tashado, faqri ka ma baxo, mushaharka ayaa yaraada amma aan korin, laaluushka iyo musuqa ayaa xadhko-goosta, jahliga ayaa kobca, cudarrada ayaa faafa, adeega kala jaadka ah ee bulshada loo qabtona la ma helo.  Halbeega Qaramada Midoobay ee Horumarka Aadamaha (HQMH), ee lagu qiyaaso tirada hoyada umulraacda, cimri-dhererka bulshada, heerka tacaliinta iyo dakhliga qofka,  gayigeena waxuu ka mid yahay dalalka aduunka meelaha ugu hoseeya kaga jira.

 

HQMH halbeegeeda waxa dheer in musuqamaasuqa  dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey (oo Xagga Qaramada Midoobay aynu ku jiro) halka ugu hoosaysa  ka galo aduunka sannad walba, sida ay qorto hay’ada ‘Transparency International’. Dibudhacaasi waa wax aynu inagu isugu wacan nahay oo haddii shaqada dawladeena iyo golayaashu hagaagto, gebi ahaanba laga bixi karo. Dawlado badan baa sare u qaaday dhaqaalahooda markay hagaajiyeen xilkasnimada hay’adahooda qaranka u adeega 

 

Golayaashu maxay qaban?

 

 Xildhibaanadeena Golaha Wakiillada iyo Degaanka waxa marka hore ku waajib ah inay  si fiican u  bartaan inta hawlood ee  u taalla  ee sharcigu ku  waajibiyey  inay gutaan, si ay dadkooda ugu adeegaan. Marka qofku si fiican u garanayo waxa waajibaadkiisu yahay uun buu gudan karaa hawlsha uu dhaarta u maray inuu fuliyo. 

 

Golayaasha deegaanka waajibaadkooda ugu mudani waa inay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh degaamadooda hormumar uga sameeyaan dhinacyada caafimaadka, waxbarshada, biyaha, laydhka iyo nadaafadda guud. Intaasiba waxay soo gelayaan halbeega horumarka aadamaha. Hadaba, si baahiyahaa wax looga qabto, waa daruuri in loo baahan yahay qorshe-hawleed la samaysto oo ku salysan lix bilood amma sannadba.

 

Muhiim weeye in loo kala qaado hawlaha siday ugu kala muhiimsan yahiin bulshada degaanka.  Qorshe halbeegyo leh waxuu dardargeliyaa awoodaha xubnaha golaha deegaanka iyo shacabka ay metelaanba, waxay kale oo ay dhisaysaa kalsoonida  ummadda ay khusayso oo dhan. Magaalooyinkeenu, in kasta oo ay is dhaamaan, inta badan, khaasatan caasimadda Hargeysa, qashin baa buuxdhaafiyey. Waa aynnu maarayn kari la’ nahay  arrinkaa  fayadhawrka bulshada halista ku ah.

 

Qof walba oo Hargeysa ku nool oo dooxa ka talaaba,  araga  qashin xaddigaa leh oo maalin kasta lagu soo daadinayo biyamareenka ceelasheena ayaa naxdin iyo niyadjab joogto ah ku haya.  Waxaynu beryahan danbe arkaynay,  wakhtigii  roobabka,   daadad ka dhashay kadib markii  biyomareenada la dhistay oo ku  soo jabay  guryaha,  halis maal iyo nafeedna  keenay. Magaalo in si fiican loo degaanaado ka ma maarmayso qorshe loo dejiyo oo lagu jaangooyo hadba baahiyaha jira iyo kuwa mustaqbalka. Hadda, Hargeysa iyo magalooyinka kaleba waa muhiim in loo sameeyo qorshesare (masterplan) dhamaystiran oo laga fuliyo  dhinacyada magaalooyinku u korayaan. Goldaloolooyinka jira   maarayntooda waa qaar  sugaya dhallinyarada dhiiga  cusub ee hamiga iyo himilooyinka dheer leh,  ee aynu filayno inay ku guulaystaan doorashada Golayaasha Deegaanka ee berri

 

 

Xubnaha Golaha Wakiilada soo socda waajibaadka horyaallaa ma yara iyanna. Ta ugu horaysa ee looga fadhiyo waa inay ogaadaan in ay  shacabka Soomaliland metelaan  danahooda, oo ay taas ka midaysanaadaan. Iyada oo la ogsoon yahay in xubnaha Golaha Wakiiladu ka soo kala jeedaan  xisbiyo, haddana barlamaanka wanaagsani danaha guud waa ka midaysan yahay, waxaana uu go’aamada badan ku gooyaa si aan dhinacna u xaglinayn (bi-partisan)

 

Mas’uuliyad weyn baa Golaha Wakiilada ka saaran siday  u korjoogtayn lahaayeen  dawladda; haday noqonayso ansixinta Wasiirrada, Wasiir ku-geennada, madaxda hay’adaha dawlada. Taasi waxay ku tusaysaa in waajibaadka Golaha Wakiilada saaran ka mid tahay in ay diidaan ansixinta qof aanay u arkin in uu u qalmo xilkaas ama gudan karo.  Golahu door muhiim ah ayey ku leh yahiin  ansixinta heshiisyada xukuumaddu la gasho dawlado ama  hay’ado kale, kuna saabsan xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabadgeliyada. Masuuliyadda ay u dhaarteen baa ka saran in aanay ansixin arrin ay u arkaan in aan dadka iyo dalka dani ugu jirin.

 

Waajibaadka ugu se weyn ee Golaha Wakiiladu leh yahay waxaa iyana kamid ah ansixinta miisaaniyadda oo markay ka doodaan ay wax-ka-bedel ku samayn karaan sida danta guud ku jirta. Maadaama Golahu ka wakiil yahay dadweynaha waxaa masuuliyad weyn ka saaran tahay inay u korjoogteeyaan siday u baxayso cashuurta  bulshoweynta Soomaliland laga soo ururiyo. Maamul-wanaaggu ka ma soo hadho, isu-dheelitirka saddexda qaybood ee dawladnimo: Xukumadda, Garsoorka iyo Xeerdejinta. Kala madaxbanaanidoodu waa calaamad ka wada muuqata dawladaha ku guulaystay suulinta musuqmaasuqa raagaadiya horumarka ummado badan.

 

Si Maddax tayo leh loo helo, malahayga waxaa habboon in murashaxiinta xulkooda loo dabafadhiisto xisbiyada si ay liisto xidhan (closed list) iyagu u soo saaraan. Hadda,  labo shay oo isburinaya ayeynu rabnaa in aynu  isku mar wada samaynno; dhinacna qabiilka iyo cadiifadihiisa  ayaa kobcaya marka  doorashadu noqoto mid gunteedu ku fadhido reernimo, dhinacna waxaynu doonaynaa in aynu dhisno qaran iskuduuban oo xildhibaanadu metelaan gobolo iyo dad kala beelo ah. 

 

Juhdiga wacyigelineed ummadaha dimuqraadiga ahi geliyaan dheerigelinta wadajirkooda iyo iskuduubnida dadkooda waa mid noloshooda oo dhan ku taxan, laga bilaabo xannaanada caruurta ilaa dugsiyada iyo jaamacadaha.  Taas iyo sharciga  oo dadka  si siman ugu adeega ayaa keenta in aanay bulshadu marwalba isu qaban si isir ku lug leh.   Waxgararadka iyo siyaasiyiinteena  ayaa looga baahan yahay in ay  ka fikiraan  nidaam doorasho oo dadkeenaa isku isir iyo diinba ah  ka ilaalin kara waxii kala  fogaynaya.  Nidaamka dawladnimo mid hawl yar maaha, waase mid u baahan marwalba ra’yi cusub iyo isbedelo isdabjooga..

 

Demoqraadiyadeenu waa hab inoo saamaxaya in bulshadu markii wakhti la joogaba u doorato hogaaminta dalka, dadka ay  u garto. Ma aha nidaam quruunina si gooni ah u sheegan karto, qolowalibana sida  ka turjumaysa dhaqankooda iyo caqidadooda ayay ugu hirgeliyaan  dimuqraadiyadda dhulkooda. Inkasta oo dad badani u haystaan in dimuqraadiyadda Maryakan leeyahay, kumanaan sannadood kahor bay Griig  ka bilaabantay. Xataa kelmeda Dimuqradiyad ayaa ka soo jeeda ‘Demos’ oo afka Griiga ku ah muwaadin iyo ‘Kratos’  oo ah awood. Awoodaa muwaadinku leeyahay inuu doorto qofkuu doonaa waxay  bulashadeena  u keentay degenaasho aan qofna awood kelitalisnimo ku maroorsan xukunka oo iyana dhasha nabad iyo horumar. Dhaqanka Soomaliyeed ee soojireenka  ah ma soo marin boqortooyo cabudhisaa.  Weligeenba xor baynu u ahayn fikirkeena marka loo eego dalal badan oo waaweyn ooh hadda ku dhaqma dimuqraadiyadda .

 

Marwalba waajibkeenu ha noqdo sidii nabad loogu codayn lahaa, laysagu dulqaadan lahaa, sharcigana loo adkayn lahaa. Waxaa hubaal  ah in haddii dorashooyin kani ku dhacaan jawi degan oo  xasiloon ay  sharaf u  keenayaan iska daa Somaliland e,  Geeska Afrika iyo qaaradda inteeda kaleba.

RELATED ARTICLES

8 qaab oo loo seexdo haddii dhabarka uu ku xanuunayo

Haddii si joogto ah aad u dareemeyso dhabar-xanuun, waxay u badan tahay in hurdada ay dhib kugu noqoto. Cilmi-baaris lagu daabacay Wargeygka ka hadla Caafimaadka...

4 xeeladood isticmaal haddaad xiriir haasaawe la leedahay qof aad isla shaqeysaan

Waqti badan ayaan ku qaadannaa goobta shaqada maalin walba.  Daraasado dhowr ah ayaa muuhiyay in tiro badan oo ka mod ah dadka isla shaqeeya ay...

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Facebook Feed

Twitter Feed