Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay gabadheeda in ay ka haysato hay’adda...

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay gabadheeda in ay ka haysato hay’adda NISA

Dr. Tahliil Faarax muddo 16 maalmood ah la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonkaqaranka Soomaaliya ee NISA.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA.

Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Hooyo Qaali, ayaa ka codsatay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka cadaaladda ay wax ka qabtaan arrintan, ayada oo intaas ku dartay in kiiskan ay gaysay maxkamadda ciidamada.

Dhinaca kale, warar ay heshay wardeeq news oo ay ayaa sheegaya inay jirto cabsi xooggan oo la xiriirta inay suurta-gal tahay in Ikraan la dilay, islamarkaana la aasay, sida xubno ka mid ah qoyska ay nala wadaagaan.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed