Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Howl-Gal Ka Dhacay Muqdisho Oo Lagu Qabtay Burcad Horleh – Caasimada O

Howl-Gal Ka Dhacay Muqdisho Oo Lagu Qabtay Burcad Horleh – Caasimada O

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weli howl-gallo ka wada magaalada Muqdisho ayaa markale gacanta ku dhigay kooxo burcad ah, xilli ay dhac ka geysanayeen gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Raggan oo watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah ayaa waxaa lagu qabtay howl-gal ay sameeyeen ciidamada ammaanka, kaas oo uu ka qeyb-qaatay maamulka.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo soo badhigay raggaasi oo labo ahaa ayaa shaaca ka qaaday in loo gudbiyey hay’adda CID-da, si loogu sameeyo baaris dheeri ah.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in burcada lasoo qabtay ay dhibaato weyn ku hayeen bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, isla-markaana xilliga la soo qabanayey ay gacanta kula jireen fal-dambiyeedka lagu soo qabtay oo ah dhac baahsan.

Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonayo dagaal ka dhan ah burcadda hubeysan oo ay dowladda Soomaaliya ka billowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Tan iyo bishii hore oo ay billowdeen howl-galladan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo dhac ka waday qeybo badan oo ka mid ah gudaha caasimada

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkuna uu aadayo doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba.

RELATED ARTICLES

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Dawlada somaliland oo ka hadashey dilkii G.kuminshanka doorashooyinka Gobola Sool.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee...

Twitter Feed