Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Howlgal Ka Bilaabay Magalada Muqdisho Kadib Amarkii Xijaar

Howlgal Ka Bilaabay Magalada Muqdisho Kadib Amarkii Xijaar

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya Amarkii kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la xiriiray amniga waxaa ay howlgal ka sameeyeen meelo kamid ah Magaalada muqdisho.

Ciidamada ayaa howlgallo gaar ah ka sameeynayay waddooyinka dhexmara degmooyinka Gobolka Banaadir, iyaga oo baaritaan ku sameeynayay, Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha waddooyinka maraya.

Ciidamada Booliska qeybta Waliyow Caddde iyo kuwa Jakboontiuada guur guura ayaa howlgalka sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi, waxaana uu ahaa mid amniga lagu xaqiininayay, sidoo kale lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka dooriya.

Saraakiisha Booliska ee howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay ka hortegida waxyaabaha maanka dooriya & dadka Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok kusoo bandhiga waxyaabaha Anshax xumada ah, iyaga oo fulinaya amarkii Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee waddooyinka Maka Al-Mukarama,.Wadnaha iyo 30-ka, halkaas oo howlgalka xoogiisa ay Ciidamadu ka fuliyeen.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...