Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Howlgal Qorsheeysan Fuliyay Ciidamadda Ilaalada Madaxtooyadda iyo Dad Lagusoo Qabtay

Howlgal Qorsheeysan Fuliyay Ciidamadda Ilaalada Madaxtooyadda iyo Dad Lagusoo Qabtay

Ciidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.

[td_smart_list_end][resads_adspot id=”1″]

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada.

Ilo deegaanka ah ayaa wardeeq news   u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadibna lagu sameeyey baaris, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu ahaa bartilmaameedka howl-galkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijinyey ammaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday xerada Xalane.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed