Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Looga Dhawaaqay Gobolka Gedo

Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Looga Dhawaaqay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo.

Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole & Abanduulaha Ciidamada 43aad ee Gobolka Gaashaanle dhaxe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, waxaana ay ka sameeyeen degaano mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa mid loogu diyaar garoobayo Doorashada Goloha Shacabka ee lagu wado inay ka qabsoonto Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharey , isla markaana amniga ay siweyn u xaqiijinayaan.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa degmada baardheere  ee Gobolka Gedo dhoola tus kusoo bandhigay, waxaana ay sheegeen in ay qaadi doonaan Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49aad Guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Cali Cismaan Cali (Jiijiile) ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana qorshahooda uu yahay inay ku weeraraan degaannada ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgallada ay ahaayeen kuwo si joogto ah ay u  wadeen, hayeeshee haatan dhamaan degmooyinka Gobolka Gedo laga bilaabi doono.

Gobolka Gedo degmooyinkiisa ayaa waxaa intooda badan kuma sugan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya diyaarado ku geeysay, kuwaas oo mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...