Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ilo wareedyo ka tirsan dadka degaanka iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka...

Ilo wareedyo ka tirsan dadka degaanka iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa wardeeq news u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan ka qoreyso degaano ka tirsan Somaliland. 



Wararkaan oo aad loo qariyay ayaa ka helnay ilo ka tirsan odayaasha degaanka ee ku nool magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale noo xaqijiyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. 

Tirada ciidanka oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari. 

Billowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo. 



Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa. 

Lama oga in loo tababarayo qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxay si hoose ula macaamileysay dadka kasoo jeedo qabaa’ilada aan awodda badan ku lahayn Somaliland iyo Puntland, ee tabashooyinka qaba, waxaana dhowaan ay Puntland ku eedeysay dowladda federaalka inay hurisay qalalaase ka dhacay degaanka Dhahar.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...