Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka In ka badan 100 tahriibayaal ah oo laga badbaadiyay Xeebaha Tuunis

In ka badan 100 tahriibayaal ah oo laga badbaadiyay Xeebaha Tuunis

Ciidanka badda ee dalka Tuunis ayaa soo badbaadiyay 117 muhaajiriin ah kuwaas oo donaayay inay si sharci darro ah ku galaan qaaradda Yurub.

Dadkaan ayaa laga soo badbaadiyay dekad ku taal waqaooyi-bari ee dalka Tuunis kadib markii ay ciilad ku timid doontii ay la socdeen.

Warbaahinta Tuunis ayaa sheegtay in tahriibayaalka ay ku jiraan carruur iyo haween.
Dadkaan lasoo badbaadiyay ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh qaxootiga ee dalka Tuunis.

Dadka u tahariibaya qaaradda Yurub ayaa kusoo badanayaa waaydaan danbe xeebaha dalka Tuunis, inkasta oo ay dowladda isku dayayso inay joojiso dadka doonaya inay si sharci darro ah u isticmaalaan xeebaheeda.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed