Iran ayaa sheegtay in wadahadalada Nukliyeerka Vienna ay dib u bilaabmi doonaan iyada oo loo marayo dukumeenti wadajir ah

0
154

Tehran, Iran – Wareegga sideedaad ee wada-hadallada Nukliyeerka Iran ayaa Isniinta ka bilaaban doona Vienna iyadoo lagu saleynayo dukumeenti cusub oo wadajir ah oo ku jira dalabaadka muhiimka ah ee Iran sida dammaanad qaadka iyo xaqiijinta qaadista cunaqabateynta, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iran. Wasiirka arrimaha dibadda Iran Hossein Amirabdollahian ayaa wariyeyaasha ugu sheegay caasimadda Tehran Isniintii in la isku raacay “qoraal wadajir ah oo la aqbali karo” kaas oo ay ku jiraan qodobbada laga hadlayo cunaqabateynta iyo arrimaha nukliyeerka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here