Iskaashi Militari oo Cusub: Turkiga oo Garab Istaagaya Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadday iskaashiga dhinaca Militariga ah ee Soomaaliya kaddib markii ay kordheen taageerrada Ciidan iyo tababarka ciidamada cusub ee loo tababarayo Dowladda Federaalka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

 

Diyaaradaha nooca Ciidanka wax u qaada ah oo Dowladda Turkiga leedahay ayaa dhowr jeer soo caga-dhigtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho inkasta oo aan si dhab ah loo faahfaahin waxyaabaha ay dalka keenneen.

 

Ankara iyo Muqdisho oo haatan si wadajir ah ugu mashquulsan dhinacyada soosaarka Shidaalka, Iskaashiga Ciidanka iyo dhaqaalaha ayaa wararka la helayo waxa ay intaas ku darayaan in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo adkaynta amniga dalka.

 

Waxaa hoos loo dhigay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo muujiso dhaqdhaaqa Militari ee Turkiga inkasta oo aan la shaacin sababta arrintaas ka danbaysa maadaama heshiisyada ay wadagaleen sida arrimaha ciidanka.

 

Turkiga ayaa Soomaaliya keenay diyaaradihiisa Casriga ah kuwaas oo ka qaybgalay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda Koofurta iyo Bartamah Dalka, waxa ay la howlgallayaan Ciidamada Dowladda Federaalka

 

La soco wixii kasoo kordha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *