thumbnail - Wardeeq news

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dab kusii shiday

xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeyso Soomaaliya. Taye Atske-Selassie ayaa ka dhawaajiyay hadallo kul-kulul oo ka dhan ah Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhammaan sheegashada Soomaaliya iyo eedeymaha ay u jeedineyso xukuumadda Addis Abeba ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay iska ilowdo

heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya inay Somaliland, taas beddalkeedna ay xoogga saarto arrimaheeda gudaha. Wasirika arrimaha dibadda Itoobiya ayaa heshiiska badda ku macneeyay inuu ku saleysan yahay hannaan looga gol leeyahay in lagu hormariyo kobaca gobolka, sida uu ku dooday. “Sidaas Darteed, waxaan diiday eedeymaha aan sal iyo.”

Verified by MonsterInsights