Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Caafimaad-ka Japan Iyo UNICEF Oo Iska Kaashanaya Taagerida Qeybinta Tallaalka COVID-19 Ee Somalia

Japan Iyo UNICEF Oo Iska Kaashanaya Taagerida Qeybinta Tallaalka COVID-19 Ee Somalia



Dowladda Japan oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya.

Maaliyaddan ayaa gacan ka geysaneysa soo iibinta qalabka qaboojinta tallaalka/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinaayo 33 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka oo ka soo bixi kara shuruudaha looga baahan yahay tallaalka COVID-19, shaqaalaha caafimaadka iyo farsamo-yaqaannada qalabka caafimaadka ayaa lagu tababari doonaa adeegsiga iyo dayactirka/gacan-ku-haynta qalabka CCE.

Waxaa la qiyaasayaa in 3 milyan oo qof ay ka faa’iideysan doonaan qaaraankan.

“Japan ayaa gacan ka geysaneysa sii-wanaajinta waaxda caafimaadka ee Soomaaliya iyada oo bixineysa barnaamijyo tababar iyo qalab caafimaad,” ayaa uu yiri mudane HORIE Ryoich, oo ah Safiirka Japan ee Soomaaliya.

Japan ayaa xoogga saareysa  gacan-ka-geysashada sidii loo sii wanaajin lahaa barnaamijyada tallaalka ee guud ahaan dunida iyada oo $200 milyan oo doolar ku biirisay qaaraanka loogu talogaley tas-hiilaadka COVAX.

Deeqdan ayaa qayb ka ahaan doonta taageerada guud ee ay UNICEF siineyso Wasaaradda Caafimaadka si ay dalka uga fuliso mid ka mid ah ololayaashii tallaalka ee ugu ballaarnaa ee abid laga hirgeliyo dalka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa  sidoo kale dowladda gacan ka siineysa in shaqaalaha caafimaadka loo tababaro sidii ay si ay u maareyn lahaayen habsi u socodka  tallaalka, korjoogteynta ka-faa’iideysigiisa  iyo isla-xisaabtanka.

“UNICEF waxay  Dowladda Japan iyo dadka reer Japan mahad weyn uga haysaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya,” ayaa uu yiri Mohamed Ayoya, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...