JSL; Oo Soo Saartay Digniin Ku Socota Shacabka Kunool Deegaanada Xeebaha

0
82

Taliska guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha  Somaliland ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dadka kunool deegaanada xeebaha Somaliland, kaasi oo la xiriira dhoofinta duurjoogta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in mamnuuc ay tahay in dadka kunool deegaanada xeebaha ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta xeywaanaadka duurjoogta.

Taliska Ciidanka ayaa dadka degan dhulka xeebaha uga digay in ajaanibta ku sugan Somaliland ka caawiyaan dhoofinta duurjoogta iyo keenista kootarabanka hubka, iyagoona sheegay in ciddii falkaas lagu qabta sharci la horgeyn doono.

War-saxaafadeedka Taliska Ciidanka ayaa waxaa lagu xusay in talaabo adeg laga qaadi doono qof kasta oo shacab ah ama ajaanib ah ee lagu arko dhoofinta duurjoogta iyo keenista hubka.

Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa waxaa uu dhammaan taliyayaasha saldhigyada iyo barada hoosyimaada faray inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha Diginiinta laga soo saaray.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here