Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Kenya oo Maxkamadeyneysa Haweenay ku eedeysan dilka Gabar Soomaali ah

Kenya oo Maxkamadeyneysa Haweenay ku eedeysan dilka Gabar Soomaali ah

Ciidamada Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xiray Gabar lagu magacaabo Faisa Cali Xasan oo ku eedeysan dilka Najmo Cabdullahi Macallin oo dhawaan meydkeeda aga helay Magaalada Mombasa.

Faa’isa ayaa ahayd qofkii ugu dambeeyay ee la arkay iyada oo la socoto Najmo Cabdullahi Macallin, waxaana Booliska Mombasa ay dalbadeen in muddo 14 cisho ah xabsiga lagu haayo si ay u soo gabagabeyaan baaritaanada.

Bosibori Ogega oo ah Qareenka matalaya waaxda dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda u sheegay in hadii fursad dheeraad ah la siiyo ay xaqiijin doonaan in Faa’isa ay ku lug lahayd dilka Najmo iyo in kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in eedeysano Faa’isa ay baxsad ahayd tan iyo markii ay ogaatay in ciidamada booliska ay raadinayaan, isla markaana ay tagtay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ee dalkaasi Kenya ugana sii gudubtay qabteen aagga Kangundo  oo ugu dambeyn Ciidamadu kasoo qabteen.

Qareenka u doodaya qoyska gabadha la dilay Derrick Odhiambo ayaa maxkamadda u sheegay in ay cadaalad dalbanayaan oo ay doorbidayaan in Faiza xabsiga lagu sii hayo inta laga dhameystirayo baaritaanada.

Todobaadyada soo socda ayaa waxaa la filayaa in Maxkamad la soo taago eedeysane Faisa Cali Xasan oo ku eedeysan dilka Najmo Cabdullahi Macallin oo dhawaan meydkeeda aga helay Magaalada Mombasa.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed