Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Caafimaad-ka Kenya waxaa markale oo mamnuucday hilibka laga keeno Koonfur Afrika iyadoo laga...

Kenya waxaa markale oo mamnuucday hilibka laga keeno Koonfur Afrika iyadoo laga cabsi qabo faafitaanka cudurka listeria

Wasaarada Caafimaadka dalka Kenya ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay mamnuuceyso soo galinta iyo iibinta qaar ka mid ah wax soo saarka hilibka ee Koonfur Afrika ka dib markii uu dalkaasi ka dillaacay cudurka listeria oo laga qaado hilibka kaas oo dilay ugu yaraan 180 qof.

Kenya waa waddanka ugu horreeya ee bariga Afrika oo mamnuuca hilibka diyaarka ah ee ka yimaada Koonfurta Afrika oo ay ku jiraan polony – waa nooc maxali ah oo loo yaqaan ‘baloney sausage ‘ – hilibka doofaarka la jarjaray iyo sausage nooca loo yaqaan Frankfurter-style.

Wasaarada caafimaadka ayaa qoraal ay u dirtay saraakiisha caafimaadka”ayaa waxa ay ku sheegeen si loo hubiyo caafimaadka dadwaynaha waa la ilaaliyaa, iyo si taxadar leh waxaa laga doonayaa saraakiisha caafimaadka inay joojiyaan soo dejinta iyo iibinta hilibka diyaarka ee laga keeno Koonfurta Afrika islamarkaana dib loo soo celiya kuwa horeyba suuqa ugu jira.

Wadamada Mozambique, Namibia, Botswana, Zambia, Malawi, Swaziland iyo Zimbabwe ayaa sidoo kale hor istaagay soo dajinta cunada, oo ay ku jiraan waxyaabaha ay sameeyeen warshaddaha iyo shirkaddaha ay leedahay Tiger Brands – taas oo loo arkay inay tahay halka dhibaatada ay kasoo fircantay – iyo kuwa kale oo ay sameeyeen shirkada Rainbow Chickens.

Tan iyo Janaayo 2017, 948 qof oo ku nool Koonfur Afrika ayaa qaaday cudurka listeriosis – oo ah cudur keena bakteeriyada ka timaadda ciidda, biyaha, dhirta iyo saxarada xayawaanka kuwa oo sumayn kara cuntada cusub, gaar ahaan hilibka.

Ugu yaraan 180 qof ayaa u dhintey cudurkaan , sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee dowlada.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed