Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka KGS:- Oo Soo Bandhigay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab & Hubkooda

KGS:- Oo Soo Bandhigay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab & Hubkooda

Taliska Hay’adda Nabadaugida iyo Sirdoonka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigay Saddex Xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab balse isku soo dhiibay  Ciidamada.

Saddexda Xubnood oo dhalinyaro ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aadan, Cabdiraxmaan Xuseen Sheekh Maxamuud & Ugaas Xuseen Nuur, waxaana mid kamid ah uu watay Qoray nooca AK47 iyo Booshkiisa, waxaana Saddexdooda ay ka qeyb qaateen weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Saddexda Xubnood ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in sababta ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay cunaqabateynta ay ku hayaan Shacabka ku nool qaar kamid ah degaannada Koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana todobaadkaan kaliya degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay ilaa 5 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...