Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida KHASAARE XOOG LEH OO KA DHASHAY DAB KA KACAY XERYAHA QAXOONTIGA ROHINGYA...

KHASAARE XOOG LEH OO KA DHASHAY DAB KA KACAY XERYAHA QAXOONTIGA ROHINGYA EE BANGALADESH.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo toban qof ay dhinteen halka afar boqol oo kalana aan la oogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ka dib markii dab qabsaday qaybo ka mid ah xerada ballaadhan ee qaxootiga Rohingya ee Bangladesh.

Afhayeen U hadlay hay’adda ayaa sheegay in dadka maqan ay surogal tahay inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dabka halkaasi ka kacay.

Boqolaal qof ayuu dhaawacmay musiibada halka in ka badan 45 kun oo qof oo ku noolaa guryaha ku meel gaar ah ay haatan Noqdeen Bilaa Hoy.

Qaxoontiga ku jiray xeradan ayaa ka soo cararay howlgalladii militari ee sanadii 2017-kii ay ciidamada Myanmar ka fuliyeen gobolka Rakhine Ee dalkaasi myanmar kaas oo lagu Bartilmaameedsanayay Muslimiinta Rohingya.

By:Jim’ale ismail

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed