Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ambulance.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in 50 gantaal ay dagaalyahanada Falastiin ku rideen dhinaca Israa’iil halka mid kamid ah gantaalladaas uu ku dhacay dhismo ay degan yihiin dad shacab ah.

Mar sii horreysay saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in askari Israa’iili ah uu dhaawac soo gaaray kadib dagaal ka dhacay xadka.

Weli dagaalka ayaa socda, xilli dagaalyahanada Xamaas ay gantaallo ku garaacayaan Israa’iil halka Israa’iil ay duqeymo ka geysaneyso marinka Qaza.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha

RELATED ARTICLES

Maydadka In Ka Badan 150 Muhaajiriin Oo Laga Helay Xeebaha

Ilo-wareed dadka deegaanka oo la hadlay Wargeyska Al-AYAAM ee ka soo baxa dalka Yemen ayaa sheegay in la arkay maydadkaasi iyo 4 kale oo...

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Facebook Feed

Twitter Feed