GID67twXsAA2tQd.jpg large - Wardeeq news

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa ayaa gaaray meeshii u xumeyd, kadib markii Rigathi Gachagua oo ah madaxweyne ku xigeenka Kenya uu shaaciyay in Ruto uu wado qorshe xilka looga xayuubinayo. Mr. Rigathi

Gachagua ayaa ku eedeeyay madaxweyne William Ruto inuu gadaal ka riixayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado, isagoo sheegay in xildhibaanada baarlamaanka loo soo badhigay midkiiba 5 million oo shilin. Xildhibaanada

baarlamaanka Kenya qaarkood ayaa iska diiday inay qaataan lacagtaasi si u meel-mariyaan rabitaanka Ruto, sida uu warbaahinta maxalliga u sheegay Rigathi Gachagua. “Isku-deygaas marnaba hakad gelin maayo dadaalkeyga ku aaadan in aan u ololeeyo danaha shacabkeygii i doortay,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

Verified by MonsterInsights