Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka tirsan AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kolonyada Ciidamada AMISOM ayaa xilli la weerarayay waxaa ay marayeen wadada u dhaxeysa degaanka lambar 60 iyo Magaalada Marka oo ah XaruntaGobolka Shabeellaha Hoose.

Qof kamid ah dadka degaanka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in dagaal culus uu dhex-maray Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMIOSM iyo Al-Shabaab, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

“ Anaga oo iska jogna ayaan maqalnay jug culus iyo rasaas gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa agteena marayay, dagaal ayaa ka dhacay goobta, waxaana aragnay khasaaro soo gaaray gaadiidka qaar ee Ciidamada AMISOM ayuu yiri” qof kamid ah dadka degaanka.

Weli wax faah faahin ah weerarkaas kama bixin saraakiisha Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka AMISOM, waxaana weerarkaas uu kamid yahay weerarada had iyo jeer ka dhacay degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed