Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya oo la weeraray

Kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen kolonyo Gaadiid ah o ay wateen Ciidamada, xilli ay ku socdaalayeen degaano ka tirsan Magaalada Mandheera ee dalkaasi Kenya.

Weerarka oo ka dhacay inta u dhaxeysa tuulada Kintoo iyo degmada Tagaabo ayaa waxaa dagaal xoogan uu dhex-maray ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, waxaana la sheegay in u ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay Warbainta u sheegeen inay iska caabiyeen weerarka ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay qasaar ku gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay weerarkaas ku dileen laba askari, sidoo kale ay ku qabsadeen Saanad Millateri.

Saddexdii Todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa weeraro kala duwan ay Al-Shabaab ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari, waxaana weeraradaas qaarkood ku geeriyooday Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

RELATED ARTICLES

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Twitter Feed