Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Kolonyo Ciidamo Oo Ka Tirsan Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Lala Eegtay...

Kolonyo Ciidamo Oo Ka Tirsan Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Lala Eegtay Weerar

Ciidanka Uganda ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarkaas oo dhabba-gal ahaa ku qaaday Ciidanka Uganda, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula-mareer, waxaa kasoo baxaya faah faahino.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, isla markaana waxaa la sheegay inay ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Uganda, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab warar barahooda dhinaca qadka ay ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar dhabba-gal ah ay la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayna ku dileen Askari, tirro kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in Ciidamo kale oo AMISOM ah ay qaraxyo Miinooyin kula eegteen deegaanka Lambar 60 ee duleedka magaalada Marka ee Shabeellaha Hoose, isla markaana ay ku gubeen gaari xamuul ah.

Si kastaba Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMSIOM ayaa waxaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale qaraxyo iyo weeraro ay Al-shabaab ugala eegteen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed