Koonfur Galbeed Oo Kulan Ka Yeelatay Qorshe Lagu Furayo Waddooyin Ay Go’doomiyeen Al-Shabaab

0
164

Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Subug ayaa Guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo isku furista waddooyinka isku xira deegaanada maamulkaas oo ay Go’doomiyeen Al-shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana kulanka Warbixino looga dhageystay Saraakiisha amniga Maamulka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here