Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka KOOX hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

KOOX hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dilka saaka ka dhacay isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay qof shacab ahaa oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo hubeysan oo rasaas huwiyey gaariga uu watay marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cimraan Nuur Geedi.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhaawac halis ah soo gaaray Cimraan, balse uu markii dambe u geeriyooday dhiig-bax, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana meesha teegay ciidan ka tirsan kuwa amniga.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay ninkaasi shacabka ahaa, balse meydkiisa ayaa waxaa loo soo qaaday CID-da, si loogu sameeyo baariraano dheeri ah.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howl-gallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada Booliiska.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dagaallo, dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed