Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Kooxo hubeysan oo dil ka geystay duleedka magaalada Baydhabo

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay duleedka magaalada Baydhabo

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay Macalin Cali Bashiir Xasan oo Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, balse deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Imaamka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala dilay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bashiir Xasan, iyada falkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo, balse baxsaday.

Allaha u naxariistee Marxuum Macalin Bashiir ayaa dhowaan ka tegay Boosaaso, isaga oo ku dhowaad 21 sano ka ahaa Imaam, wuxuuna hadda Mu’adin iyo Imaamba ka ahaa masjidka weyn ee Al-Nawaawi ee ku yaalla magaaladaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay wadaadkaasi iyo walaalkiisa oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed