Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Beledweyne

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka, sida ay wardeeqnews.net u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayey askariga uu saarnaa mooto Bajaaj, isla-markaana ay mar qura rasaas ku fureen dableyda hubeysan ‘oo horey uga sii qaatay qoray AK47 ah’ oo uu watay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goor dambe tegay meesha uu dilka ka dhacay, waxaana ay ka sameeyeen howl-gallo lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey dilka.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ay ka mid tahay meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...