download 1 - Wardeeq news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ugu geysteen Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay askarigaan oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska ay ku toogteen gudaha Degmada xamarweyne iyagoona intaasi kadib goobta iskaga baxsaday

Al-Shabaab oo sheegay mas’uuliyada dilkaan ayaa waxa ay sheegeen in sarkaal ka tiraan ciidamada booliska dowladda oo magacaabi jiray Bootaan Xaashi ay ku dileen Degmada Xamarweyne.

Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo dilka loo geystay askariga ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ee lagu dilay Xamarweyne

In badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegta masuuliyada weerara gaadmada ah ee lagu dilo ciidamada Dowladda

Verified by MonsterInsights