Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Muqdisho

Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Muqdisho

Warar dheeraad  ah ayaa laga helayaa weerar lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal magaciisa loosoo gaabiyay Kabtan Cabdi Macallin.

Waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii hubeysan ee dilka ugeystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan,waxaana wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ku sheegteen in weerarkan dilkan ah oo ka dhacay xaafadda Abagado ay geysteen xoogag hubaysan oo ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab islamarkaasna ay si nabad ah goobta uga baxsadeen

Al-shabaab ay guulo ka sheegtay weeraro sidaan oo kale oo ay la beegsadeen masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda

Waxaana arintaan ay kusoo aadeysa xili dalku xaalad adag oo khilaaf ah uu ku jiro

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...