Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Kooxo hubeysan oo saaka haweeney ku dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oo saaka haweeney ku dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saaka aroortii hore haweeney la shaqeyneysay maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen qeybo ka mid ah gudaha degmadaasi.

Haweeneyda oo magaceeda lagu soo koobay Suldaano ayaa la sheegay inay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey dilkeeda oo ku hubeysnaa bistoolado ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku toogteen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed