Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Korneel Macow oo shaaciyey in NISA ay keensatay qalab halis ah oo...

Korneel Macow oo shaaciyey in NISA ay keensatay qalab halis ah oo lagu beegsanayo

Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa shaaciyey in Hay’adda Nabadsugida ay keensatay qalab casri ah oo halis ku ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xorta ah.

Korneel Macow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda ay keensatay dad hackers ah oo ay u adeegsanayaan inay ku curyaamiyaan ololaha musharaxiinta xilka madaxweynaha kula loolamaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Qalabkan waa mid lagu beegsanayo xiriirka ka dhaxeeya ganacsatada iyo xiriirka ka dhaxeeya ganacsiga xorta ah, Nabadsugida waxay ku adeegsanayaan inay culeys galiyaan internetka,” ayuu yiri Korneel Macow.

“Waxay rabaan oo kale inay u isticmaalan marka la gaaro xiligay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha oo xiriir qaldan la isku gudbiyo iyo kuwa ololaha ee daneynaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay la tijaabinayay qalabkaas, kaasi oo culeys ku keenay internetkii caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

“Waxay soo kireysteen dad Hackers ah oo dhibaato u geysan doona isgaarsiinta, xawaaladaha iyo fariimaha la isku gudbinaayo. Waxaa loo sameystay qalabka in lagu dhageysto dadka Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho lagu socdana ganacsiga iyo siyaasadda.”

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...