Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida KUDHAWAAD 114 QOF OO LAGU DILAY DIBADBAXYADA MYANMAR OO SII XOOGAYSTAY .

KUDHAWAAD 114 QOF OO LAGU DILAY DIBADBAXYADA MYANMAR OO SII XOOGAYSTAY .

In ka badan 100 ruux ayaa Sabtidii lagu dilay dalka Myanmar iyadoo booliska uu sii wado gacanta birta ah ee uu kaga hortagayo dadka u bannaabaxaya demoqoraadiyadda,
taas oo ka dhigtay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo kowdii February o markaas oo ay soo billowdeen mudaharaadyada ka dhanka ah afgambigii milatariga.

Warbaahinta ayaa ku waramaysa in dhimashada Sabtidii shalay ah ay gaadhay ugu yaraan 114 ruux, Iyadoo 29 qof oo caruur shan ahaa uu kujirayna lagu dilay magaalada wuqooyiga ku taalla ee Mandalay halka ugu yaraan 24 kalena ay ku dhinteen rabshado uu booliska ku lug lahaa oo ka dhacay magaalada Yangon.

Taliska milatariga ayaan wax jawaab ah ka bixin dadkii ciidanka amniga ay ku laayeen mudaharaadyadii Sabtidii dhacay, laakiin waxay afgambigooda ku difaaceen inuu ahaa mid ay ku diideen, natiijada doorashadii 8 November kasoo baxday, taas oo uu ku guulaystay xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi.

By:Jim’ale ismail

RELATED ARTICLES

Daalibaan waxay weydiisanayaan inay khudbad u jeediyaan Qaramada Midoobay ka dib qabsashadii Afghanistan

Talibanka ayaa doonaya in wakiilkiisu uu khudbad ka jeediyo shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee hoggaamiyayaasha adduunka toddobaadkan, afhayeen u...

Isbedelka Ciyaaraha ‘: Shiinaha ayaa joojinaya maalgelinta mashaariicda dhuxusha ee dibadda

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinuhu uusan mar dambe maalgelin doonin dhismaha mashaariicda cusub ee korontada laga dhaliyo dhuxusha, taas oo ka...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Twitter Feed