Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka KULANTII BAARLAMAANKA MAANTA EE LAGU WADAY IN UU QABSOOMO OO BAAQDAY...

KULANTII BAARLAMAANKA MAANTA EE LAGU WADAY IN UU QABSOOMO OO BAAQDAY .

Kulankii xildhibaanada Baarlamaanka ee la qorsheeyay in maanta oo Isniin ah ay isugu yimaadaan ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta Arbacada ah. Farriinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi illaa maalinta arbacada ee 31ka bishan.

Dib u dhigistan ayaa ka dambeysay kadib markii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh ku saareen madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Kulanka baarlamanka oo shaki weyn laga qabay in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hareeyey diidmo xoog leh oo ka timid midowga musharaxiinta,beesha caalamka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Kulan albaabada ay u xidhan yihiin ayaa madaxtooyada waxaa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Rooble,Madaxweynayaasha HIrshabelle, Galmudug iyo Koofurgalbeed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

By:Jim’alw ismail

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed