Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Kumaandooska Danab oo hawlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo (SAWIRRO)

Kumaandooska Danab oo hawlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo (SAWIRRO)

Xoogaga Kumaandooska Danab oo gacan ka helaya Ciidamada Jubbaland ayaa maanta hawlgal ka sameeyay deegaano hoos-tagga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in hawlgalka laga sameeyay deegaanada Golashimbi, Beerxaani, Labi Kuus iyo Cabdi Dhoore, oo dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Intii uu hawlgalku socday ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay maleeshiyada Al Shabaab, sida ay Saraakiishu sheegeen.

Dhamme Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ah Saraakiishii hawlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in hawlgalkaasi khasaaro lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al Shabaab.

Sarkaalkan ayaa Jubbalandtv u sheegay intaasi ka dib inay ciidamada hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyeen deegaanadii ay Shabaabka ka saareen.

Gobolada Koonfurta qaarkood ayaa waxaa ka soconaya hawlgalo ka dhan ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, waana xilli uu dalku doorasho isku diyaarinayo.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed